Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Welwel laga qabo mushaarooyinka macalimmiinta oon kordhin

La daabacay onsdag 3 december 2014 kl 15.00
Ilmo tufaax ku shiileya dab. Nettan Eliasson, macalimmad dugsiga xanaanada, Maria Borgström waalid iyo Vicky Bergström, madaxa dugsiga xanaanada.
Nettan Eliasson förskollärare, Maria Borgström förälder och Vicky Bergström förskolechef, håller i fruktstund utomhus. Foto: Monica Elfström/Sveriges Radio.

Xaaladda aan kala caddeeyn ee is-qabqabsiga miisaaniyadda ayaa hor-seedi kara in aanu hir-gelin qorshihii dawladda ee kor loogu qaadayey mushaarooyinka macallimiinta sannadaha foodda innagu soo haya

Qorshahaasi oo uu ku kici lahaa 12 bilyan oo koron, sida uu qoray ururka ururka isutagga macalimmiinta iyo ururka isu-tagga ururrada macalimmiinta oo maqaal ku daabacey maanta bogga doodda ee war-geeyska Dagens Nyheter DN.

Ururka shaqaalaha ayaa ka codsaday siyaasiyiinta in si dhakhsi ah looga wada-hadlo miisaaniyadda oo meel dhexe la isugu yimaado sida ugu dhakhsiyaha badan sidii halkaa looga sii wadi lahaa kor u qaadista mushaarooyinka macalimmiinta iyada oo aan loo aaba-yeeleyn cidda hadba ku guuleeysata awoodda dalka.

Isha/DN

                                                                                                        kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".