Budgetdebatten i Riksdagen har pågått hela dagen. Foto Henrik Montgomery
Budgetdebatten i Riksdagen har pågått hela dagen. Foto Henrik Montgomery

Miissniyaddii dawladda oo maya loogu codeeyey

153 xil-dhibaan ayaa codkooa siiyey miisaaniyaddii dawladda, halka ey xil-dhibaanno gaarsii-san 183 ugu codeeyeen iney ka soo hor-jeedaan miisaaniyadda dawladda. Middaasi ayay macnaheedu tahay in baarlamanku aqbalay ama aqlabiyad ugu codeeyey in la qaato miisaaniyaddii mucaaradka. Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa sidaa ku gashay jawi cakiran. Iyadoona uu madaxa dawladda Stefan Löfven uu shir-jaraa'id isugu yeeray saacaddu markay tahay 16:30.

Af-hayeenka dhaqaalaha ee xisbiga Modaeraterna Anna Kinberg Batra oo wareeysiay idaacadda la iska daawado ee Svt ayaa sheegtay in kubbaddu weli la taalo Stefan Löfven, maadaama uu ku fadhiyo jagada hoggaanka dawladda. Kinberg Batra ayaa intaa raacisay in mustaqbalka haddii ay dawladdu daneenayso loo baahnaan lahaa in laga wada xaajoodo sidii wax looga bedeli lahhaa xaaladdan oo kale haddii ay soo gudboonaato.:

(- Waa in laga wada hadlo, waa haddii ay dawladdu daneeynayso sidii wax looga qaban lahaa in xaaladdan oo kale laga hor-tago. Iyo in suurtagal ay noqoto in dalka la maamulo iyada oo lagu jiro xaalad midda iminka la mid ah, sida ay sheegtay.

Annie Lööf, hoggaamiyaha xisbiga Dhexe (C) ayaa sidoo kale ku celisay ereyadii beryahan looga bartay ee ahaa inay kubbaddu la taalo Stefan Löfven. Lööf oo ka warrameeysay codeeyntii baarlamanka ayaa sheegtay inay goolkoodu ahaa sidii ey u marsiin lahaayeen miisaaniyadda mucaaradka ee Alliansen.

Guul-darrada dhanka miisaaniyadda kala soo gudboonaatay Stefan Löfven ayaa sabab u noqon doonta in aaney hir-gelin arrimmo ey ka mid yihiin:

1- Cashuurta la kordhiyey.

2- Dhimista cashuurta ee gunnada howl-gabka 

3- Ballanqaadkii dawladda ee dhimista shaqa la'aanta dhallinyarada iyo wixii la mid ah.

                                                                                                   kenadid.mohamed@sr.se

la xiriira

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".