Gustav Fridolin och Stefan Löfven håller presskonferens. Foto: Janerik Henriksson/TT

Shirjaraa'id taariikhi ah

Dawladda oo ku dhawaaqday doorasho degdg ah, sida uu shaaca ka qaaday madaxa dawladda Stefan Löfven:
- Dawladda ayaa 29-ka bishan diseembar ku dhawaaqi doonta doorash dheeraad ah.

Tallaabadaa ayaan ku go'aansanney annaga oo hiigsaneeyna xeerka dawladda qodobkiisa kow iyo tobanaad. Goolkayaguna wuxuu yahay sidii bulshada loogu wareejin lahaa inay go'aan ka gaaraan xaaladda siyaasadeed ee dalka. Waa midda loo baahan yahay, isla-markaana na hor-taal. Dalku wuxuu ku jiraa xaalad ka duwan sidii hore. Doorashada ayaa loo dareeri doonaa 22-ka bisha maarso ee sannadka foodda innagu soo haya 2015.

Xaaladda cakiran ee siyaasadeed ayaa halkeedii ka sii socota, sida uu sheegay Stefan Löfven iyo in xisbiyada garabka midig - alliansen ey ka tallaabsadeen go'aankii ey ku doorasho galeen iyo in garabka ugu codad bata uu awoodda la wareegi doono. Stefan Löfven wuxuu sidoo kale ku sheegay shirkiisa jaraa'id in aanu rajo ka qabin inuu la xiriiro xisbiyo dambe, hase yeeshee haddii ey dani ka heeyso ama ey jiraan xisbiyo wada-hadal dooneya inaan diyaar u ahay la xaajoodkooda.

                                                                                                   kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".