Foto: TT.
Kent Persson xoghayaha xisbiga Moderaterna. Foto: TT.

Moderaterna oo soo dedejinaya doorashada hogaamiyahooda cusub

Xisbiga Moderaterna ayaa xalay ku dhawaaqay in doorashada hogaamiyaha cusub ee xisbiga la qaban doono 10 bisha Januari.

Arrintan ayaa timid ka dib markii ra’iisalwasaaraha dalka Stefan Löfven uu ku dhawaaqay doorasho dheerad oo dalka ka dhaceysa 22ka bisha mars. Xisbiga Moderaterna ayaa awal qorsha waxuu ahaa in ay hogaamiye xisbiga doortan todobada bisha mars

- Waxaan imminka u diyaar garoobeynaa dhoorashada dheeraadka ah ee la qabanayo bisha mars. Saas darteed ayaan kula taliyey golaha dhexe ee xisbiga in ay soo hormariyaan kulan weynaha dheeraadka ah ee xisbigu ku dooranayo hogaamiye cusub. Waxaa la qabanayaa kulankas tobanka Januari, sidaas waxaa yeri xoghaya xisbiga Moderaterna Kent Persson mar uu xalay u waramayey Ekot.

Waxaa weli hogaamiye u ah xisbiga Moderaterna Fredrik Reinfeldt, kaas oo awel horey ugu dhawaaqey in uu xilka wareejinayo. Lakiin labadii Malmood ee ugu danbeysey oo ay soo baxdey xalaadda adag ee siyaasaded ayuusan marna Reinfeldt ka wax war ah laga maqal. Kent Persson ayaa middas u arag in ay leedahay wax dhibaato ah.

- Hadda Anna Kinberg Batra, oo horumood u ah xildhibaanadeedana baarlamaanka ayaa noo hadleysey, si wanaagsanna xisbiga u mataleysey, ayuu yeri Kent

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".