Klassrum, skola
Waxbarashada dugsiyada hoose/dhexe.Foto: TT

Tayada waxbarashada dugsiga hoose/dhexe oo hoosaysa

Tayada waxbarashada dugsiyada hoose/dhexe oo hoosaysa
3:33 min

Baadhitaan caalami ah oo ay samaysay haayadda loo yaqaan Pisa-undersökningar,  ayaa muujinaya in tayada waxbarashada dugsiyada hoose/dhexe ee Sweden  liidato, marka loo eego qiimayn caalami ah oo waddamo badan lagu sameeyay. Hoos u dhacan waxbarasho  ayaa sidoo kale la sheegay in uu saaamyn ku yeeshay  waxbarashada dadka waaweyn.

Paroofisoor Jan-Eric Gustafsson waxa uu ka mid yahay cilmi-baadhayaasha warbixintan soo diyaariyay, waxa uu sheegay in ardayda iswiidhishka ahi aanay inta badan mihiimad siinin imtixaanada ay galayaan, sidoo kalena aanay waalidiintu fiiro u lahayn.

 - Waxa arrinkan laga yeeshay doodo badan. Daraasaddani ma tahay mid lagu kalsoonaan karo? Wax micno ah miyay innoo samaynaysaa? Waxa laysku raacay in aanay ardaydu mihiimad weyn siinin imtixaanada ay galayaan, sidoo kalena aanu waalidku ahayn kuwo dhug u leh natiijada  ay ardaydu ka helaan duruusta ay dhigtaan. Halkaas weeye halka uu isbeddelku ka muuqdaa.

Kaasi waxa uu ahaa Paroofisoor Jan-Eric Gustafsson oo ka mid ahaa cilmi-baadhayaasha warbixintani soo diyaariyay.

Dhanka kale Yuusuf X. Cabdillaahi Xasan oo ah macallin wax ka dhiga dugsiga hoose ee Gullinge ee magaalada Stockholm, ayaa aaminsan in ay xadidan tahay yihiin kaalintii macallinka iyo waalidku ku lahaayeen hannaanka waxbarashada ardayda.  Waxaa kale oo uu Yuusuf X. Cabdillaahi Xasan sheegay in aaladda casriga ahi ay iyana door ku leedahay in uu ardaygu ka mashquulo waxbarashadiisa, waxaanu tusaale u soo qaatay sida  uu macallinku ugu dhibtoodo ardayda marka ay telefoonka gacanta ku dhex isticmaalayaan fasalka.

Warbixintan waxa soo diyaarisay  haayadda PIAAC, oo sidoo kale loo yaqaano,  "vuxen-Pisa". Daraasaddan ayaa muujinaysa in heerka waxbarashada  dugsiyada hoose/dhexe ee iswiidhan uu yahay mid hooseeya marka loo eego qiimaynta caalamiga ah ee lagu sameeyo tayada waxbarashada ardayda.  Dhinaca kale dadka ay da’doodu u dhaxayso 24 -27 ayaa ay daraasaddu muujinaysaa in aanay waxbarashada ku fiicnayn marka loo eego dhiggooda kale ee adduunka. Sidoo kale waxa la ogaaday in waayo-aragnimada shaqada uu qofku wataa maaha mid dhammaystiraysa aqoonta aasaasiga ah ee qofka ka maqan ee la xidhiidha dhinaca akhriska, xisaabta iyo waliba xal u helidda dhibaatada ka hortimaadda.

Jan-Eric Gustafsson waxa uu sheegay in ay mihiim tahay si xal dhakhso ah loo helo dhibaatadan.

- In isbeddelo la sameeyo iyada oo aan aragti dheer la haysani waa dhibaato weyn. Waa hubaal in aynu doonis fiican iyo isbeddelada wanaagsan samaynay, laakiinse haddana ay innaga maqnayd aragti dheer oo lagu hagaa. Taasina waa ta keentay in aanay wax walba u dhicin sidii loogu talogalay.

Kaasi waxa uu ahaa pa rafasoor Jan-Eric Gustafsson, oo wax ka dhiga jaamacadda Göteborgs.

Xigasho: SR

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".