Anna Kinberg Batra. Photo: Lars Pehrson / SvD / TT
Moderaterna oo hoggaamiye cusub dooranaya khamiista soo socota. Photo: Lars Pehrson / SvD / TT

Moderaterna oo shir degdeg ah yeelan doona khamiista soo socota

Sida ay sheegtay idaacadda Ekot, xisbiga Moderaterna  ayaa maalinta khamiista ah ee toddobaadka danbe dooran doona hoggaamiye cusub oo xisbigu yeesho. Waxaanay u badan tahay in Anna Kinberg Batra noqon doonto hoggaamiyaha cusub ee xisbiga, ayna beddeli doonto hoggaamiyihii hore ee Fredrik Reinfeldt.

Xisbiga ayaa shalay go’aansaday in uu shir degdeg ah qabsado si uu xisbigu hoggaamiye cusub u yeesho  ka hor intaan la gaadhin 10 bisha janaayo, halkii ay awal ka ahayd in shirkaasi qabsoomo bisha maarso.  Anna Kinberg Batra oo hadda ah afhayeenka siyaasadda dhaqaalaha xisbiga ayaa taageero badan ka haysata badi  xarumaha uu xisbigu ku leeyahay degmooyinka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".