Poliser
Mukhalas dadka tahriibiya oo lagu xidhay Jarmalka Foto: Nick Näslund/Sveriges Radio

Mukhalas dadka tahriibiya oo lagu xidhay dalka Jarmalka

Nin lagu dacweeyay in uu dad badan oo Eratariyaan ah u soo tahriibiyay wadamada reer Yurub ee ay Sweden ku jirto ayaa lagu xidhay dalka Jarmalka. Ninkan ayaa lagu tuhunsan yahay in uu masuul ka ahaa 244 qof oo ku dhintay badweynta u dhaxaysa Liibiya iyo Yurub, kuwaasi oo ahaa tahriibayaal.

Hore waxa loo xidhay 9 qof oo Eratariyaan ah oo looga shakisan yahay in ay ka danbeeyeen 20 doonyood oo ay saarnaayeen dad tahriibayaal ah oo Yurub u soo socday.

Xigasho: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".