Iphoneladdare Foto: Stefan Livh
Haayadda ammaanka korontada oo ka digtay xadhkaha moobiilada. Foto: Stefan Livh

Haayadda ammaanka korontada oo ka digtay xadhkaha moobiilada.

Haayadda ammaanka korontada oo ka digtay xadhiga telefoonka lagu dabeeyo. Haayaddu waxa ay dadka uga digtay in aanay isticmaalin xadhig faalso ah oo ah   kuwa lagu dabeeyo moobilada loo yaqaano ayfoonka ( Iphone ).

Waxaanay haayaddu sheegtay in xadhigani yahay mid aan wadan summadda waxsoosaarka shirkada ayfoon ( iphone ), sidaasi daraadeedna uu qarxi karo ama dab dhalin karo. Haayaddu waxa ay faraysaa dadka xadhigaas oo kale haysta in ay ku celiyaan dukaankii ay ka soo gateen ama ay iska tuuraan.

Xigasho: TT

Musa Mahamud

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".