Syrisk-kurdiska flyktingar har lämnat Kobabe. Foto: Lefteris Pitarakis/TT.

Amnesty oo Sweden ku boogaadisey qaabilaadda qaxootiga

Amnesty ayaa warbaxin cusub ku boogaadisey Sweden iyo Jarmalka oo ah labada dal kaliya EU ee qaabila qaxootiga Suuriya.

Warabxinta Amnesty ayaa ku baaqdey in waddamo badan looga baahan yahay in gacan ka geystaan soo dhaweynta qaxootiga Suuriya.

Ku dhawaad afar milyan oo dad ah ayaa ka qaxdey dagaalada ka holcahaya dalkas Suuriya. Qaxootigaan ayaa intooda badan ku firiirsan waddamada dariska la ah dalka Suuriya, kuwaas oo ku nool xaalad nolaleed oo aad u liita.

Waddamada EU ayaa looga baahan yahay in wax badan u qabtaan qaxootigan, sidaas waxaa tiri Elisabeth Löfgren oo ah afhayeenka Amnesty Sweden.

- Waddamada gacanka carbeed ku yaala diin iyo luuqadba wey la wadaagan qaxootigan dhaqaalana wey hayaan u saamaxahaya in ay qaabilaan qaxooti badan. Laakiin sidoo kale waxaa loo bahan yahay in caaalamka masuuliyadda qaybsado. Waddamada EU ayagana waa in iska saaraan masuuliyad dheerad oo ka badan midda ay illaa iyo hadda qaateen, ayey tiri.

//Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".