Göran Hägglund gör sig redo för sändning. Foto: Hanne-Li Lundmark/Sveriges Radio.
Göran Hägglund gör sig redo för sändning. Foto: Hanne-Li Lundmark/Sveriges Radio.

Xisbiga KD oo lumin doona taageerada ugu badan doorashada

Xisbiyada Kristdemokraterna, Folkpartiet iyo Miljöpartiet ayaa lumin doona codadka ugu badan doorashada soo socota, sidaa laga soo xiganayo baadhitaan ra’yi ururin ah oo ay sameeyeen jariirada Dagens Nyhter iyo ururka Ipsos

Kala badh, tageerayaasha xisbiga KD ayaan rabin in ay xisbiga u codeeyaan, halka shantii meeloodba hal meel oo ka mid ah tageerayaasha xisbiyada FP iyo MP ay rabaan in ay markan u codeeyaan xisbi kale. Guud ahaan codbiyayaal badan ayaa raba in ay codeeyaan doorashadan baarlamaanka, qiyaastii 73 boqolkiiba.

Xisbiga Sverigedemokraterna ayaa la filayaa in uu tageero baxaad leh helo. Boqolkiiba 10 codbiyayaashii codkooda siin jiray xisbiyada casaanka iyo cagaarka ayaa hadda raba in ay u codeeyaan xisbiga SD.

Isha:TT 

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".