Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Elever vid Farsta grundskola i Stockholm. Foto: Hanna Weiderud / Sveriges Radio
Elever vid Farsta grundskola i Stockholm. Foto: Hanna Weiderud / Sveriges Radio

Arddayda reer Iswiidhan oo ku faraxsan iskuulka

Arddayda Iswiidhan ee dhigata iskuulka ayaa aad ugu faraxsan iskuulka, haddii la barbar dhigo sidii xaalku ahaa 20 sanno ka hor, inkastoo cadaadiska iskuulku uu kordhay. Sidaa waxaa ku tusayaa baadhitaaan hey’adda caafimaadka qaranku ku samaysay 8 kun oo arday

Dadka ka qayb qaatay baadhitaanka ayaa shantii meeloodba hal meel ay ku jawaabeen in ay aad ugu faraxsan yihiin iskuulka, middan ayaa ah tiradii ugu badnayd ee la cabiro, ilaa iyo markii la bilaabay baadhitaanka noocan ah, sannadihii 1980-tamaadkii.

Geesta kale, ardday badan ayaa sheegay in cadaadis badani saaran yahay, cadaadiskan oo ku badan hablaha da’doodu tahay 13-jirka. Hablahan ayaa boqolkiiba 36, ay sheegeen in cadaadis ba’an ay ku hayso shaqada iskuulku. Middan ayaa laba jibaarantay, hadii la barbar dhigo sida tiradu ahayd 4 sanno ka hor.

Isha:Ekot

Samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".