Facebooks serverhall i Luleå. Foto: Susanne Lindholm/TT
Facebooks serverhall i Luleå. Foto: Susanne Lindholm/TT

Tirada dadka lagu xukumo xatooyo macluumaad oo korodhay

Waxaa kordhaysa tirada dadka ay ku dhacayaan xukunada la xidhiidha xatooyooyin gudaha ah, middan oo macnaheedu yahay in dadkani ay bililiqaysteen macluumaad gaar ah oo ay leeyihiin shirkado, maclumaadkan oo aan ahayn kuwo loogu talo galay in lagu shaaciyo suuqa saamaleyda, sidaa waxaa xaqiijinaysa hey’adda qaabilsan dembiyada la xidhiidha dhaqaalaha

Waagii hore waxaa aad u adkayd in maxkamadaha lagu qanciyo in ay xukumaan dadka gala dembiyada hoose, ee la xidhiidha in qofku xado macluumaadka shirkada uu u shaqeeyo, middan oo ay hore u adkayd in la helo cadayn mug leh.

Laba sanno ka hor, ayaa xatooyooyinkan noocan ah waxaa xukun ugu dhacay laba qof, halkan sannadkan xukun ku dhacay sagaal qof.

Martin Tiden oo isagu ah gudoomiyaha xeer-ilaaliyayaasha hey’adda qaabilsan dembiyada la xidhiidha dhaqaalaha, ayaa leh korodhkan waxaa keenay in ay aanu helay nidaam wanaagsan.

-Waxaanu ku wanaagsanaanay in aanu baadhno waxa dhacay, waxaanu ku wanaagsanaanayn in aan si wanaagsan maxkamadaha ugu sharaxno, sida wax u dhaceen, oo aanu tusno sida macluumaadku u xidhiidhsan yihiin, ayuu leeyahay Martin Tiden

 //Ekonomiekot

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".