Rökare tänder en cigarett. Foto: Erik Mårtensson/TT
1 av 2
Foto: Erik Mårtensson/TT
En person som röker. Foto: Lars-Gunnar Olsson/Sveriges Radio.
2 av 2
Foto: Lars-Gunnar Olsson/Sveriges Radio.

Ragga sigaarka caba oo halis ugu jira cudurka kansarka

Daraasad cusub oo ay samaysay jaamacada Uppsala ayaa sheegaysay in ragga sigaarka cabaa, ay had iyo jeer lumiyaan hiddo sidayaasha ”Y” oo ah hidde sidaayasha go’aamiya jinsiga qofka. Middan ayaa noqon karta sababta badanaa ragga sigaarka cabbaa uu ugu dhaco cudurka kansarka, haddii la barbar dhigo dumarka sigaarka caba

Daraasaadan ayaa la xidhiidha dhiig laga qaaday 6 kun oo nin, daraasadan ayaa sidoo kale ku tusaysa in dhamaan ragga iska daayay sigaarka, ay joojiyeen in ay lumiyaan hidda sidayaasha Y oo ay hore u lumin jireen. Arrintan ayaa mid farax iyo amakaag ku abuurtay baadhe Lars Forsberg oo ka hawl gala machadka baadhitaanka difaaca jidhka, hanaanka hiddaha iyo cudurada ee jaamacada Uppsala.

-Haa, aad baan u yaabay oo farxay, markii aan arkay macluumaadkan. Waayo waxay muujinaysaa in ay rajo jirto haddii la joojiyo cabitaanka sigaarka. Middan oo sheegaysa in kuwa joojiyo cabida sigaarka ay hidda sidayaashooda Y ay la mid yihiin kuwa aan waligood cabin sigaar. Sidaa ayuu leeyahay Lars Forsberg.

//vetenskapsradio

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".