Fustav Fridolin (MP) bredvid statminister Stefan Löfven meddelar att extraval kommer hållas i Sverige 22 mars 2015. Foto: TT
Fustav Fridolin (MP) bredvid statminister Stefan Löfven meddelar att extraval kommer hållas i Sverige 22 mars 2015. Foto: TT

Codbixiyayaasha oo aan rabin xukuumada ka kooban xisbiyada S iyo MP

Tiro yar oo codbiyayaal ah ayaa raba xukuumadan ka kooban Xisbiyada Socialdemokraterna iyo Miljöpartiet . boqolkiiba labo oo qudha, ayaa aaminsan in xukuumad ay gadhwadeen ka yihiin xisbiyada S iyo MP ay u wanaagsan tahay waddanka Sweden. Sidaa waxaa daaha ka fayday ra’yi ururin ay si wadda jir ah u sameeyeen jariirada Dagens Nyheter iyo machadka ra’yi ururinta ee Ipsos

Tirada ugu badan, qiyaastii 10kii qofba 4 qof ayaa raba in ay arkaan xukuumaad ka kooban labada garab ee midig iyo bidix. Halka 5-tii qof mid uu aaminsan yahay in xukuumadii xisbiyadii garabka midig ay u wanaagsanayd waddanka.

Isha:DN

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".