Oscar Sjöstedt, Sverigedemokraternas ekonomisk-politiska talesperson och Mattias Karlsson, partiets tillförordnade partiledare under Jimmie Åkessons sjukskrivning. Foto: Fanni Olin Dahl och Henrik Montgomery/TT

Shirkii maamulada degmooyinka ee xisbiga SD oo furmaya berito

Maalmaha sabtida iyo axada ee usbuucan ayaa la qaban doona shirkii maamulada degmooyinka ee xisbiga Sverigedemokraterna. Shirkan oo ka qabsoomaya magaalada Västerås waxaa ka soo qayb gelaya 900 oo xubnood

Hadafka shirkan ayaa ah in xisbigu isu diyaariyo doorashada cusub soo socota iyo sidoo kale in looga doodo sidii xisbigu u horumarin lahaa siyaasadiisa la xidhiidha maamulada degmooyinka iyo gobolada.

Niclas Nilsson oo ah horjoogaha xisbiga SD ee Kristianstad ee gobolka Skåne, ayaa leh go’aankii ay ku rideen miisaaniyadii xukuumada ayaa noqon doona mawduuca lagaga hadli doono shirkan.

-Xaqiiqdii  aad ayaa looga hadli middaas, waxay noqon doonta mawduuc aad u weyn, lakiin waxaan ku rajo weynahay in aanu horumarin doono siyaasadayda la xidhiidha degmooyinka iyo gobolada, si kastaba ha ahaate. Ayuu leehay Nicklas Nillson.

Isha: //P1 morgon

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".