Kvinna säljer sex på gatan. Foto:
1 av 2
Foto: Tomas Oneborg/TT
Ett par i sängen. Foto: TT.
2 av 2
Ett par i sängen. Foto: TT.

Tiro yar oo galmada caruurta la gato ah ayaa boolisku baadha

Inkasta oo ay ahayd in boolisku mudnaan siiyo in uu ka hortago galmo ka iibsashada caruurta, ayaa haddana baadhitaanada arrimahaas lagu sameeyo ayaa aad u yar

Ilaa hadda ayaa kala badh xarumaha boolisku ay baadheen hal kiis oo la xidhiidha arrintan, halka hey’addo kale aanay samayn wax baadhitaan ah oo la xidhiidha galmada caruurta laga iibsado.

Xarumaha booliska ee aan samayn baadhitaan la xidhiidha umuurtan waxaa ka mid ah, booliska uppsala. Sannadkii hore ayay ahayd markii Raadiyaha Sweden qaybtiisa Uppland ay baadhitaan ay samaysay shaaca kaga qaaday in caruurta iyo dhalinyarada iyo kuwa raba in ay galmada ka iibsadaan ay dhamaantood si baahsan internetka ugu daabici jireen xayaysiisyo la xidhaadha arrinkan, xayaysiiskaasina uu ilaa maanta socdo. Balse aan boolisku baadhin dhacdo keli ah oo arrinkan la xidhiidha. 

Xigasho: P4 Uppland

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".