Молодые шведы находят работу к 29 годам
Бюро по трудоустройству в Шерхольмене/ Skärholmen. Foto: Irina Makridova/ SR

Xafiiska shaqada oo aan xidhi doonin xarumo badan

Maddaama oo miisaniyadii qaranka uu khalkhal ku jiro, xafiiska shaqada ayaan xidhi doonin boqol xafiis oo hore loo qorsheeyay, sidaa waxaa warsaxafadeed ku shaaciyay xoghaya guud ee xafiiska shaqada Mikael Sjöberg

Miisaaniyadda xisbiyada xulufada garabka Midig ee codka lagu ansixiyay wiigi hore, ayaa xafiiska shaqada loogu talo galay 550 milyan oo koroon, middaas ah oo ka yar miisaaniyada hadda xafiisku ku shaqeeyo.

Haddii la ansixin lahaa miisaaniyadii dawlada ayaa xafiiska shaqadu wuxuu shaqaalayn lahaa shaqaale kun ah oo cusub, balse hadda ayaa tirada la dhimay oo laga dhigay 500.

Kala badh 500 ee qof ee la shaqaalaysiinayo waxay ka hawlgeli doonaan sidii dadka hadda waddanka yimi ay uga caawin lahaayeen in shaqo helaan.

Xigasho:TT

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".