Wallström oo sheegtay in ay la shaqayn doonaan xisbiyada kale

Wasiirka arrimaha dibadda Margot Wallström ayaa sheegtay in ay ka fikirayaan sidii xisbigooda Socialdemokraterna  uu wadashaqayn ula samayn lahaa  xisbiyada kale. Sidaasi waxa ay ku sheegtay waraysi ay siisay jarriiradda Expressen, waxaana hadalkeedii ka mid ahaa:

- ´´ Waa hubaal in aanu ka fikirayno sidii aanu wadashaqayn ula samayn lahayn xisbiyada kale. Laakiinse siyaasadda isbahaysigu maaha mid habboon´´. 

Wasiirka ayaa sheegtay in xisbigooda Socialdemokraterna uu doorashada u gali doono xisbi ahaan, inkasta oo raysalwasaaraha Stefan Löfven iyo afhayeenka xisbiga Miljöpartiet Gustav Fridolin ay hore u sheegeen in ay doorashada ku gali doonaan hab is bahaysa ah. Dhinaca kale Wallström waxa ay sheegtay in ay rajaynayso in ay wadashaqayn fiican la sameeyaan xisbiga Folkpartiet iyo xisbiga Centerpariet. 

Xigasho: TT/Expressen

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".