Arbetsförmedlingen
Dadka soogalootiga ah oo ay ku adag tahay in ay shaqo helaan

Dadka soogalootiga ah oo ay ku adag tahay in ay shaqo helaan

Toban sanno kadib tirada dadka soogalootiga ah ee shaqeeya ayaa ka yar tirada dadka waddanka ku dhashay. Sidaasi waxa sheegtay daraasad cusub oo ay soo saartay xarunta tirakoobka ee loo yaqaan Statistiska centralbyrån.

Inkasta oo tirada dadka shaqeeyaa la korto wakhtiga, haddana tirada celceliska ah ee dadka soogalootiga ah ee shaqeeyaa waa 60%, halka dadka waddanka ku dhashayna ka yihiin 85%. Sidoo kale waxa jira faraq u dhexeeya dadka soogalootiga ah, sida kuwa qaxoontiga ku yimid iyo kuwa ka soo digo rogtay waddamada kale ee midowga Yurub ama waddama Iskaandaneefiyanka. Taasina waxa ay caddaynaysaa in muwaadiniinta midowga Yurub ka yimid ka fursad badan yihiin dadka iyagu qaxoontiga ku yimaadda.

Xigasho: SCB

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".