Arbetssökande på AF
105 000 shaqo ayaa bannaanaan doona.Foto: TT

Xafiiska shaqada sheegay in ay shaqo-la'aantu hoos u dhacday

Xafiiska shaqada oo sheegay in ay shaqo la’aantu yaraatay labadii sanno ee u danbeeyay. Warbixintan ayaa sheegaysa in sannadkii hore ay shaqo la’aantu ahayd 8,0%, halka ay sannadka 2015 ka noqon doonto  7,9%.  Sidoo kale Sannadka 2016 ayay shaqo la’aantu hoos u sii dhici doontaa, waxaanay noqon doontaa   7,7%. 

Xafiiska shaqada ayaa sidoo kale sheegay in labada sanno ee soo socda ay banaan yihiin 105 000 oo shaqo. Sidoo kale waxa uu xafiiska shaqadu sheegay in ay wali sii badanayaan dadka soogalootiga ah oo ay taasina keenayso in ay bataan dadka shaqo-doonka ahi.

Xigasho: TT/ Ekot 

musa.hassan@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".