Isis i Syrien. Foto: AP Photo / militant website, File / TT.
17 jir Iswiidhish ah oo ku dhintay dagaalada Siiriya iyo Iraq Foto: AP Photo / militant website, File / TT.

17 jir Iswiidhish ah oo ku dhintay dagaalada Siiriya iyo Iraq

Sida ay qortay jarriiradda Göteborg-Posten, waxa dagaalada ka socda Siiriya iyo Iraq ku dhintay wiil 17 jir ah oo ka soo jeeda magaalada Göteborg. Ehelka iyo qaraabada wiilkan ayaa sheegay in uu dhintay, laakiinse ilaa hadda warbixin sugan lagama hayo.

 Warar kale oo aan la xaqiijin ayaa sheegay in dad kale oo Iswiidhish ahi iyana isla wakhtigaasi ku dhinteen  dagaaladan ka socda Siiriya iyo Iraq. Sida ay sheegtay haayadda sirdoonka Iswiidhan, qiyaastii 100 qof oo Iswiidhish ah ayaa ku biiray  ururka Is iyo dagaalyahanada islaamiyiinta ah ee ka dagaalama Siiriya iyo Iraq. Qiyaastiina 20 ilaa 30 ka mid ah dadkaasi ayaa ku dhintay dagaalada halkaasi ka socda.

 Xigasho: SVT, GP

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".