Nobelprisutdelningen i Konserthuset. TT Nyhetsbyrån
Xafladda qaybinta abaalmarinta Nobelpris

Xafladda qaybinta abaalmarinta Nobelpris

Maanta waxa la qaybinayaa abaalmarinta loo yaqaano Nobelpris, taasi oo la siiyo dadka wax ku soo kordhiyay nolosha aadamaha. Xafladdan ayaa galabta lagu qaban doonaa guriga Konserthuset ee ku yaalla badhtamaha magaalada Stockholm.

Xafladdan waxa ka soo qaybgali doona marti tiradoodu dhan tahay 1570, kuwaasi oo goobjoog u noqon doona biladaha iyo shahaadooyinka uu boqorku qaybinayo.

Waxa xafladda ka soo qaybgali doona qoysaska dadka abaalmarinta la siinayo, wakiillo ka socda haayadaha abaalmarinta bixinaya, masuuliyiin dawladda ka socda iyo waliba xildhibaano. Waxa sidoo kale ka soo qaybgali doona dhammaan qoyska boqortooyda. Guriga farshaxanka ee maanta lagu bixinayo abaalmarinta ayaa sannad ka hor la bilaabay qurxintiisa, iyada oo meel walba la sudhay ubax qurux badan. Ubaxyada lagu qurxiyay ayay tiradoodu dhan tahay 20 000 ubax. Xafladdan ayaa bilaabmi doonta marka ay saacaddu tahay 7:00 fiidnimo.

Källa: Nobelstiftelsen. (TT)

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".