Konsumentrådgivaren Maria Wiezell. Foto: TT/Hanne-Li Lundmark/Sveriges Radio
Shirkad dadka u diraysa SMS ay kaga dalbanayso in ay dayn qaataan. Foto: TT/Hanne-Li Lundmark/Sveriges Radio

Shirkad dadka u diraysa SMS ay kaga dalbanayso in ay dayn qaataan

Shirkad dadka siisa lacaga daynta ah ayaa maalmihii u danbeeyay farriimo SMS ah u dirtay dad badan, iyada oo ku casuumaysa in ay dadku qaataan lacag dayn ah oo dhan 20 000 karoon, si ay ugu muraadsadaan ayaamaha ciidda miilaadiga kiristaanka ee foodda innagu soo haya.

Lacagtan daynta ah oo dulsaarkeedu aad u sarreeyo ayay farriimahan  shirkaddu u dirtay dad badan oo dayn hore lagu leeyahay, kuwaasi oo awoodi kari waayay in ay iska bixiyaan dayntaasi. Nin magaciisa ku sheegay Hugo ayaa sheegay in uu yaabay markii uu helay farriin ay shirkaddu rabto in uu lacag ka  daynsado, maaddaama oo lagu lahaa dayn hore oo uu iska bixin kari waayay. Hugo waxa uu sheegay in uu la yaabay sida aanay shirkaddu xil isaga saarayn qofka daynta la siinayo, oo iyada oo aan qofkii wax laga saxeexin, lana garanayn waxa uu yahay la iska siinayo lacag dayn ah. Dhanka kale haayadda macaamiisa ayaa dhaliil u soo jeedisay shirkadda falkan ku dhaqaaqday, iyada oo ku tilmaantay in ay shirkaddani sharciga baal martay, loona baahan yahay in dadka ay farriimahani u soo dhacaan in ay la soo xidhiidhaan haayadda macaamiisha.

 Xigasho: Ekot

musa.hassan@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".