Lägenheter i Botkyrka. Foto: Leif R Jansson/ TT
Soogalootiga oo soo badanaya iyo guryo-yaraan ka jira dalka Foto: Leif R Jansson/ TT

Soogalootiga oo soo badanaya iyo guryo-yaraan ka jira dalka

Haddii aan guryo badan la dhisin sannadada soo socda, waxa iman kara in iskudhac bulsho oo salka ku haya guryo-yaraanta dalka ka jirta. Sidaasi waxa yidhi barafasoor Hans Swärd oo wax ka dhiga jaamacadda Lund.

Sida ku cad macluumaadka ay haysto laanta socdaalku, sannadka soo socda waxa dalka iman doona qiyaastii 100 000 magangalyodoon ah. Sannadkii hore xitaa waxa waddanka yimid tiro qaxoonti ah oo  ka badan intii la filayay. Kuwaasi oo markiiba deegaan ka raadsaday magaalooyinka waaweyn, oo ay guryo la’aan ba’ani ka jirto. Hans Swärd ayaa aaminsan in ay dhibaatadani tahay mid weyn oo aan indhaha laga qarsan karin.

 SR

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".