Madaxa dawladda Stefan Löfven oo fasal ku jira. Sawirle: flickr.comа.
Премьер-министр Стефан Лёвен за партой. Фото: flickr.comа партой.

Stefan Löfven oo siyaasaddiisa wax ka bedelay

Madaxa dawladda Stefan Löfven oo shalayto su'aalo la weydiiyey la xiriira wada-shaqeeynta is-garabeeysi ee xisbigiisa Socialdemokraterna iyo xisbiga Doogga - Miljöpartiet ayaa hoosta ka xariiqay in labada xisbi ee S iyo MP uu mid waliba ku doorasho geli doono hindisihiisa siyaasadeed oo aaney garab ahaan ku doorasho geli doonin.

Waxaa intaasi dheer ion aan la garaneeyn waxa ka jira heshiisyadii ey labada garab ku wada gaareen dhismihii dawladda ey sida wada-jirka ah uga mideey-san yihiin ee lagu doorasho geli doono. Löfven ayaa tusaale ahaan sheegay in heshiiskii labada garan ee la xiriiray tamarta aannu ahayn mid jira maadaama loo baahan yahay wada-hadal dhex-mara garabyada siyaasadeed ee la xiriira siyaasadda tamarta.

Miisaaniyaddii dawladda ee aqlabiyadda ku wayday baarlamanka ayuu sidan ku sifeeyay Stefan Löfven:
- Siyaasaddii aannu dooneyney inaanu hir-gelinno waa middii baarlamanka diidmada looga codeeyey. Middaasi macnaheedu maahan inaan siyaasaddasi halkaa uga dhaqaaqney, waxaanse ka fekerey howlaha aannu qaban karno sannadka 2015 annaga oo eegeyna xaaladda lagu sugan yahay, annaga oo markaa dabadeed ka wada xaajoon doonna sida aan horay tallaabo ugu qaadi karno sannadaha 2016, 2017, 2018 - waa inta ka dhiman doorashada caadiga ee xigta.

                                                                                                        kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".