Sawirle: TT
Foto: TT

Duufaanno ku soo food leh koonfurta

Koonfurta dalka Iswiidhen ayey ku soo fool-leedahay hawo leh duufaanno. Dhanka xeebaha kolka laga hadleyo ayey duufaanno ku soo wajahan yihiin.

Duufaantan oo loogu magac-daray Alexander, ayaa la filayaa inay saameeyso dhul ka ballaaran intii horay loo saadaaliyay. Waxaa sidoo kale lagu dhawaaqay digniinta labaad dhammaan carriga Skåne marka laga reebo Österlen, Gotland, Öland, qaybaha koonfureed ee Halland iyo galbeedka Kronoberg.

Sidoo kale waxaa muuqatay inay hawadani qaadi doonto dhabbo ka koonfureeysa halkii horay loo saadaalinayay.

Hayadda gargaarka degdegga ayaa bulshada talo ku siisay in la qaado ama meel lagu xiro alaabooyinka ey dabeeyluhu qaadi karaan.

Waxaa la filayaa fiid-nimada caawa iney soo gaaraan duufaanno ku socda xawli ah 25 mitir il-biriqsigiiba. SMHI - hayadda saadaalinta hawada ayaa ku rajo wayn in dabeeylahaasi qaadi doonaan illaa iyo berito.

Isha/ SMHI.

                                                                                                       kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".