Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

10-sanno guuradii masiibadii Tsunami-ga

La daabacay fredag 19 december 2014 kl 15.10
10-sanno guuradii masiibada Tsunaami-ga
(4:54 min)
bild: SR
1 av 2
Och så här efter. Foto: Margita Boström/SR
Bild: SR
2 av 2
Så här såg Banda Aceh ut före jordbävningen och tsunamin 2004.

Dhamaadka bishan december, waxay ku beegantahay 10 sanno guuradii ka soo wareegtay, masiibada Tsunami-ga ee haleeshay waddamada dhaca koonfur bari Eeshiya. 26 december 2004 ayay ahayd markii duufaanadii badda kiciyay ee Tsunami-gu ay ku dhufteen Thailand, Sri Lanka iyo Indonesia.

Wax yar ka dib, sacaadu markii ahayd 2-dii habeenimo waqtiga Sweden, ayaa mid ka mid ah dhulgariiradii abid ugu cuslaa taariikhda, uu ku dhuftay badweynta hindiya. Dhul gariirkan ayaa dhaliyay mawjad aad u weyn. Mawjadan oo markii ay barriga ku soo dhawaatay dhererkeedu gaadhayay 10 ilaa 15 mitir.

Masiibadan oo sahayatay, dad gaadhaya 300 oo kun oo qof, waddanka Thailand ayaa tsunamida waxaa ku naf waayay dad gaadhaya 5 kun oo qof.

Waddamada aan masiibadani haleelin, balse waxyeelooyinka waaweyni soo gaadheen waxaa ka mid ahayd Sweden, oo in ka badan 500 oo ruux oo dalxiis halkaa u joogay, aanay guryohoodii ku soo noqon. Dhowr saacadood ka dib ayaa dalxiise Klas Göran Olsson uu u sheegay wakaalada wararka ee Ekot, sida xaalku yahay.

(- Waxaanu eegnay badda, waxaanu is lahayn maxaa dhacaya? Baddu way kartay, meel kasta oo badda ka mid ah waxaa ka muuqday mawjado yar yar. Mar qudha uun baa mawjado waaweyni soo kaceen oo xeebta soo dul mareen, kuwaas oo wax kasta burburiyay. Hoteeladii, makhaayadihii cuntada iyo dhamaan dhismayaashii xeebta u jiray 75 ilaa 100 mitir badda ayay ku dareen.

Inkastoo markaa aanay mawjadahani gaadhin waddamada kale ee sida ba’an u waxyeeloobay, haddii markaa uu jiri lahaa qalab ka digaya masiibadani, waxaa goobaha xeebaha ah laga daad gurayn lahaa dad faro badan. Maddama oo badweynta hindiya weyntahay, waxay qaadatay in mawjadahi ay soo gaadhaan waddama qaar 2 sacaadood iyo badh ka dib.

Sunisa Hemphoom oo ah ardayad wax ka barata jaamacada Jönköping oo aanu wax ka waydiinay waxaa ay ka xasuusato maalintaas ayaa waxay leedahay.

-Waxaan xasuusta in ay dhacday ciidi kirismaska  ka dib, dadku waxay ku maqnaayeen fasaxyadoodii. Tsunami-du waxay ahayd masiibo qaran. Cidi ma ogeyn in waxaasi dhacayaan. Saxiibaday oo ahayd reer Phuket ayaa i sheegtay, waxay ii sheegtay in ay gurigeeda dib u dhisayso, waayo dhamaan magaalooyinkii xigay dhinaca xeebta waxaa burburisay Tsunamida. Ugu yaraan 5 kun oo qof ayaa ku geeryooday maalintaas, oo u badnaa ajaanib dalxiisayaal fasax ku joogay halkaa

Ciidda masixiga, ee sannadii 2004 20 kun ilaa 30 kun oo ruux oo Swedish ahi ay ku sugnaayeen waddanka Thailand, si ay ugu dabbaal degaan ciiddooda, Thailand ayaa markaa noqotay goob aad loogu dalxiis tago, gaar ahaan meelaha ay tsunami-gu haleeshay sida, Khao Lak, jasiirada Phi Phi iyo Phuket.

Sunisa Hemphoom ayaa iga warantay, waxyaabihii ay maalinta indhaheedu qabteen.

-Waxaan arkayay, dadka oo ka cararaya biyaha, biyuhuna ay dusha kaga imanaya si xoog ah. Wax kasta biyaha ayay ka hoos mareen, waxaan arkayay dad dhimanaya oo biyuhu ay si xoog leh ugu dhacayaan.

Markii xaaladu kala degtay, ayaa la xaqiijiyay in 543 qof oo Swedish ahi ay ku naf waayeen Tsunamida, middaas oo Sweden ka dhigtay waddamada wayeelada ugu weyni soo gaadhay ee ka baxsan mandaqada ay ku habsatay masiibadani. Masiibadan oo sahayatay dad gaadhaya 300 oo kun oo qof, malaayin qof ka barakicisay guryohoodii.

Geesta kale, hey’addaha kala duwan ee Sweden ayaa lagu dhaleeceyay in aanay si degdeg ah uga fal-celin masiibadan, gaar ahaan wasaarada arrimaha dibada.

Hogaanka sare ee siyaasadda waddanka ayaa loo soo jeediyay dhaleecayn ba’an oo la xidhiidha umuurtan. Intaa ka dib waxaa la magacaabay guddi xaqiiqo raadis ah oo baadhitaan ku samaysay dhacdadan iyo qaabkii loo maamulay. Guddida ayaa sannad ka dib soo saartay warbixin dhaleecayn loogu jeediyay dawladii markaas jirtay. Warbixintaas oo lagu sheegay in xafiisyada xukumaadu aanay lahayn wax qorshe ah oo kaga hortagi karayeen xaaladaha adag, sidoo kalena ay gadaal ka aqoonsadeen waxyeelada masiibadan oo aanay warbixin sugan ka hayn markii hore.

Si kastaba ha ahaate Sweden laga hirgeliyay sharci cusub oo la xidhiidha da’daalada ka dhanka ah masiibooyinka ku aadan dadka Swedishka ah ee ku sugan waddanka dibbadiisa. Waxaana la sameeyay awood taageero qaran ah.

Dhinaca kale, badd weynta hindiyaha ayaa hadda lagu xidhay qalab ka digaya mawjadaha tsunamida, qalabkan oo ay maamusho ururka Unesco oo Qaramada Midoobay u qaabilsan, aqoonta, dhaqanka iyo cilmiga dabiiciga ah.

Isha: Ekot

samir.dualeh@sr.se

samir.duale

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".