Anna Kinberg Batra (M). Sawirle: BERTIL ERICSON / TT
Anna Kinberg Batra föreslås bli Moderaternas nya partiledare. Foto: BERTIL ERICSON / TT

Siyaasadda xisbiga Moderaterna ee ku wajahan Sverigedemokraterna

Su'aal ey ku kala qeyb-san yihiin xubnaha xisbiyada Modaraterna ayaa ah habkii heerarka degmo iyo gobol wada-shaqeeyn loola yeelan lahaa xisbiga Sverigedemokraterna. Idaacadda la iska daawado ee SVT oo foomam su'aalo ku waydiisay ayay ku caddaatay in 36,6%, una dhiganta saddex daloolow mid xubnihii ka soo jawaabey su'aalaha, waxey ku jawaabeen inay suurtagal tahay, inkasta oo xisbiga hoggaankiisu middaa si cad u diiday.

Arne Lernhag (M), oo ka tir-san hoggaanka ee degmada Öckerö kommun, ayaa sheegtay mar ay u warrameeysay idaacadda SVT:
- Ma jiro xisbi aan wada shaqeeyn u diiddanahay. Mar haddii nidaam dimoqoraadiyad ah lagu soo doortay, waxay nala tahay in wada-hadal siyaasadeed lala yeelan karo xitaa hadduu yahay xisbiga Sverigedemokraterna.

Hase yeeshee aqlabiyad xubnihii Modatarerna, 63,4% ee ka soo jawaabay su'aalihii ku qornaa foomamkii SVT u dirtay ayaa aamin-san fikirkii xisbiga ee uu go'aanka ku gaaray 2008 inaan xisbiga SD wada-shaqeeyn lala yeelan.

Anna-Kinberg Batra, ahna ku simaha hoggaanka xisbiga Moderaterna oo go'aanka xisbiga ka war-bixisa:
- Sababta eynaan ula shaqeeyn xisbiga Sverigedemokraterna waa mid salka ku haysa siyaasadda. Tusaale ahaan waxaa bayaankooda doorasho ka mid ah in aanay dawladdu faraha la gelin howlaha is-dhex-galka. Waa mid loo baahanh yahay inaannu gacan ka geeysanno haddey noqon lahayd dhanka siyaasadda soo-galootiga, middaasina oo suurtagelineeysa in nabad-gelyo dalkan lagu heloiyo is-dhex-gal ka wanaag-san dhammaan dadyoowga dalkan ku sugan.

Isha/ SVT

                                                                                                     kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".