Dul ka eegid dhismaha xaafadda Nacka. Sawirle: White arkitekter
Översikt över byggandet i centrala Nacka. Foto: White arkitekter

Guryo dhiska oo kor u kacay magaalooyinka waaweyn

Aad ayey kor ugu kaceen dhismaha guryaha ee nawaaxiga magaalooyinka waaweyn. Halka dhanka kale la dhiseyo inta badan guryaha dabaqadaha sare - waa dadyoowga dhaqaalaha leh - dhanka kale magaalada Malmö ay qarka u saaran tahay ineay tartankaasi ka gaabiso.

Sannadihii ugu dambeeyey ayey magaalooyinka Stockholm iyo Göteborg kor u kaceen dhismaha guryuhu 30%.

Magaalada qaar badan oo ka mid ah guryaha koírada lagu galo, halka magaalada Göteborg xoogga la isugu geeyey guryaha la iibsado - waxa lagu magacaabo bostadsrätt.

Hans-Åke Palmgren, oo ka howl-gala wakaaladda deegaanka ayaa sheegay mar uu u warramayay laanta wararka ee Ekot inay middaasi caqabad tahay.:
- Gebi ahaan ma jiraan dhismooyin hor leh ee ku wajahan dadyoowga ku cusub suuqa guryaha oo dhaqaalahooduna aannu sidaa u kobocsaneyn.

Isha/ Ekot

                                                                                                   kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".