Ciidammada baarashuudka ku booda oo ku sugan miyiga nawaaxiga Karlsborg. Sawirle:  Anders Wiklund / TT
Fallskärmjägare övar i terrängen runt Karlsborg. Foto: Anders Wiklund / TT

Dib u eegid dhallinyaradii soo martey shaqadii qaranka

Sannadkii 2010 ayey xubnaha baarlamankii waagaa aqlabiyad ugu coddeeyeen in la baabi'iyo nidaamkii shaqada qaranka ee dalka jirey, midkaasina oo baraf la saarey. Hase yeeshee ay dawladdu shalayto go'aan ku gaartay in dib loo soo nooleeyo suurtagalka ah in wasaaradda difaacu dib ugu yeeri karto dhallin-yaradii soo martay shaqada qaran, si loo siiyo tababar muraajaco ah.

Waa tiro gaarsii-san 7 500 oo ruux oo dib loogu yeeri karo. Bishan tababarka muraajacada ah ayaa khuseeysa dhallin-yaradii martey shaqada qaranka laga soo bilaabo 2004 illaa wixii ka dambeeyey, iyo kooxaha meel lagu meeleeyey ee soo martay tababarka aasaasiga ee ciidan, waxa lagu magacaabo marka la soo gaabiyo GMU.

Peter Hultqvist (S) wasiirka difaaca oo wareeysi siiyay laanta idaacadda ee Studio Ett ayaa sheegay in go'aankani uu salka ku hayo is-bedelka ku dhacay xaaladda ammaan ee carrigan:
- Go'aankani wuxuu salka ku hayaa is-bedelka xaaladeed ee carrigan oo u wareegtay dhanka halista ah iyo go'aankii ay dawladda Ruushku kula wareegtay carriga Kariim iyo is-ka hor-imaadka ka hubeey-san kala dhexeeya dalka Ukraa'iin iyo sidoo kale dhaqdhaqaaqyada ka socda nawaaxiga badda Östersjö.

Isha/ Studio Ett

                                                                                                       kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".