Miljöminister Åsa Romson håller tal vid klimatmötet i Lima i dag klockan 16 svensk tid. Foto: Henrik Montgomery/TT
Åsa Romson oo dhawaysay shirkii cimilada ee ka dhacay Lima. Foto: Henrik Montgomery/TT

Åsa Romson oo dhawaysay shirkii cimilada ee ka dhacay Lima

Wasiirka cimilada iyo deegaanka Åsa Romson ayaa soo dhawaysay natiijaddii ka soo baxday shirkii cimilada adduunka ee lagu qabtay magaalada Lima ee waddanka Peru. Wasiirka ayaa markii  ay waddanka ku soo noqonaysay idaacadda Ekot u sheegtay in ay ku faraxsan tahay qorshaha lagaga hortagayo wasakhowga hawada.

Iyada oo rajo fiican ka bixisay in la dhaqan galin doono qodobadii mihiimka ahaa ee shirka lagaga hadlay.

Dhanka kale guddida midowga Yurub ayaa natiijadii shirkan ku tilmaaamay tallaabo wanaagsan oo inta ka dhiman lagaga hadli doono shirka weyn ee cimilada ee magaalada Paris ka dhici doona sannadka danbe. Sidoo kale xoghayaha guud ee qaramada midoobay Ban Ki-Moon ayaa isna hambalyeeyay natiijaddii ka soo baxday shirkan. 

Svante Axelsson oo ah xoghayaha guud ee ururka badbaadada deegaanka ee Naturskyddsföreningen ayaa isna sheegay in shir kasta ay ka soo baxaan go’aano iyo qorshayaal wanaagsani, laakiinse aan lagu dhaqmin. Svante ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in sameeyo qorshe maaliyadeed oo lagu hawlgali karo. 

Iswiidhan ayaa qorshe wanaagsan ka leh sidii loo ilaalin lahaa deegaanka. Dhawaanna waxa uu midowga Yurub go’aansaday in marka la gaadho sannadka 2030 hoos loo dhigo 40% qiiqa keeni kara wasakhowga hawada, marka la barbardhigo sannadkii 1990.

Go'aanada shirkan ka soo baxay ayaa laysla qaatay in lagu lafoguro shirka cimilada ee sannadka danbe ka dhacaya magaalada Paris ee dalka Faransiiska. Shirkan waxa ka soo qaybgalay 190 dal, waxaana laysla qaatay in wadashaqayn wanaagsan laga yeesho arrintan.

 Xigasho: SR

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".