Final i innebandy-VM mellan Sverige och Finland. Foto: TT
Iswiidhan oo ku guulaysatay koobka ciyaarta xeegada. Foto: TT

Iswiidhan oo ku guulaysatay koobka ciyaarta xeegada

Kooxda ciyaarta xeegada ee Iswiidhan ayaa ku guulaysatay koobka ciyaaraha xeegada adduunka iyada oo kooxdu 3-2 kaga adkaatay kooxda waddanka Finland. Ciyaarta oo ahayd mid aad u xiiso badan ayay bilowgii waxa hoggaaminaysay kooxda dalka Finland, halka qaybtii danbe ciyaarta ay hoggaamisay kooxda waddanka Iswiidhan.

 Waxaanay ciyaartii ku dhammaatay 3 iyo 2 ay guushu ku raacday kooxda ka socotay waddanka Iswiidhan. Iswiidhan ayaa markii siddeedaad ku guulaysatay koobka xeegada adduunka.

Xigasho: Radiosporten

musa.hassan@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".