Vårdcentralen på Andersberg går två miljoner back i år. Foto: Marie Sjöberg / Sveriges Radio
Xarumo badan oo caafimaad oo dhaqaale yaraani hayso. Foto: Marie Sjöberg / Sveriges Radio

Xarumo badan oo caafimaad oo dhaqaale yaraani hayso

Guud ahaan xarumaha caafimaadka ee waddanka ayaa afar ka mid ah tobankii xarumoodba waxa soo wajahay dhaqaale xumo. Gaar ahaan kuwa ay gacanta ku hayaan maamullada degmooyinku. Sidaasi waxa sheegtay warbixin ay soo saartay haayadda tartanka suuqa.

Dhibaatada ugu weyna waxa ay warbixintu sheegaysaa in ay tahay kharashka ku baxa waxa loo yaqaano stafettläkare, taasi oo micnaheedu yahay nidaamka ay ku shaqeeyaan dhakhaatiirta qaar oo ah, in aanu dhakhtarku si rasmi ah uga hawlgalin hal xarun ee uu kolba si ku meelgaadh ah uga hawl galo xarun isaga oo buuxinaya baahida ay qaban kari waayeen shaqaalaha rasmiga ah ee goobtaas caafimaad ka shaqeeyaa.

Sida ay warbixintani sheegayso 48% ka mid ah xarumaha caafimaadka ee maamullada degmooyinku maamulaan waxa ay dhib ku qabaan xagga dhaqaalaha, taasi oo ka dhigan in baahidooda iyo dhaqaalaha ay helaan kala badan yihiin. Halka xarumaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay 28% ay dhibaato dhaqaale soo wajahday.

Xigasho: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".