Arbetsförmedlingen
Shaqooyin badan oo soo bixi doono ciidda miilaadiga Kiristaanka

Shaqooyin badan oo soo bixi doono ciidda miilaadiga Kiristaanka

Daraasad ay samaysay shirkadda ganacsiga ee magaceeda la yidhaa Svenska Handel ayaa muujinaysa in ay 20 000  oo shaqo oo dheeraad ahi soo bixi doonaan inta lagu jiro ciidda miilaadiga kiristaanka (extrajobb). 

Waa markii ugu horraysay ee shirkaddani samayso daraasad ku saabsan shaqooyinka soo baxa xilliga lagu jiro ciidda miilaadiga kiristaanka. Daraasadani waxa ay muujinaysaa in guud ahaan waddanka saddexdii shirkadoodba ay mid ka mid ahi shaqaalaysiin doonto hal qof. Shirkadaha inta badan dadka shaqaalaysiin doona ayaa kala badh noqon doona  dukaamada cuntada. Daraasadan ayaa sidoo kale sheegaysa in dadka shaqooyinka dheeraadka ah helaa ay haystaan fursad weyn oo u saamaxaysa in ay shaqadu u sii socoto.

Xigasho: P3 Nyheter

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".