Shir jaraa'id oo dawladdu ku qabatayxarunta Harpsund maanta. Sawirle:  Bertil Ericson/TT
Regeringen höll en presskonferens på Harpsund idag och svarade på frågor om samarbetet inför extravalet. Foto: Bertil Ericson/TT

Shir jaraa'id oo dawladdu ku qabatay daarta Harpsund

Kulan ey maanta Harpsund ku yeesheen xubnaha dawladda ayaa dabadeed ayey shir jaraa'id si wada-jir ah ugu qabteen madaxa dawladda Stefan Löfven (S), wasiirka dhaqaalaha Magdalena Andersson (S), wasiirka wax-barashada Gustav Fridolin (MP) iyo wasiirka cimilada Åsa Romson (MP).

Madaxa dawladda Stefan Löfven ayaa shirkaa jaraa'id ku dhaleeceeyay xisbiyada ku bahoobey garabka midig - Alliansen, sida uu aamin-san yahay iney ka dhega adeeygeen wada-shaqeeyn, iyo xisbiga SD - Sverigedemokraterna ay ka tallaabsadeen hab-dhaqankii aan xeerka ahayn ee baarlamanka una codeeyeen miisaaniyaddii garabka midig ee mucaaradka.

Stefan Löfven ayaa ku shuruudeeyey hoggaamiyeyaasha xisbiyada dhammaantood iney jawaab ka bixiyaan iney wada-xaajood diyaar u yihiin iyo in kale. Intaa wixii ka dambeeyey ayaa shirka jaraa'id lagu soo ban-dhigay farqiga u dhaxeeya miisaaniyaddii dawladda ee guul-dareeysatay iyo middaa mucaaradka oo dalka lagu maamuli doono sannadka 2015.

Isha/Ekot

                                                                                                          kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".