Margot Wallström. Sawirle: flickr.com
Маргот Вальстрём. Фото: flickr.com

Safiirka Ruushka oo wasaaradda arrimmaha dibadda looga yeerey

Wasaaradda arrimmaha dibadda Sweden ayaa maanta u yeertay wakiilka (safiirka) dalka Ruushka u fadhiya Stockholm, middaasina oo ka dambeeysay dayuurad rakaabka oo ey leedahay shirkadda SAS oo ey isu dhowaadeen dayuurad kuwa wax basaasa ee laga leeyahay dalka Ruushka jimcadii ina dhaaftay. Dalka Danmark ayaa tallaabo noocaasi ah ku tallaabsatay, halka uu pilot ka howl-gala shirkadda sheegay in dhacdo middaa la mid ah ay ka qabsatay bishii maarso ee sannadkan.

- Wakiilka Ruushka dalkan u fadhiya ayaa yimid xarunta wasaaradda arrimmaha dibadda, sida ay sheegtay Annika Söder, kana mid ah saraakiisha sarsare ee wasaaradda, sida laga soo xigtay madaxa laanta saxaafadda ee wasaaradda arrimmaha dibadda Charlotta Ozaki Macías.

TT: Maxaad hor dhigteen?

- Inaannu khatar u aragno dhacdadaa iyo sidii looga hor-tegi lahaa dhacdooyin kuwaa la mid ah.

TT: Wada-hadalku siduu u qabsoomay?

- Mid ku saleey-san wada xaajood.

Sidoo kale waxaa wasaaradda arrimmaha dibadda ee dalka Danmark looga yeerey safiirka dalka Ruushka u fadhiya dalkaasi, maadaama dayuuradda rakaabka laga lahaa dalka Danmark hase-yeeshee u howl-galeeysay shirkadda dayuurradaha ee SAS.

                                                                                                          kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".