Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Booliiska oo diiwaan-geliyay dumar badan oo xadgudubyo loo geystay

La daabacay tisdag 16 december 2014 kl 09.58
Diiwaan-gelinta haweenka. Christian Agdur, Gun Heimer
Christian Agdur madaxa laanta boliiska ee Södertörn iyo Gun Heimer, caalimad ka howl-gasha xarunta dhexe ee ammaanka haweenka ee magaalada Uppsala. Sawirle: TT

 Booliiska magaalada Stockolm ayaa toban sanno ee u danbeeyay diiwaangaliyay kumanaan dumar ah oo jidhdil iyo handadaado loo geystay. Sida ay maanta idaacadda Ekot daaha ka fayday, diiwaangelintan ayaa ah mid ay ku kaydsan yihiin waxyaabo badan oo xaasaasi ahi.

Warbixintan ay maanta soo bandhigtay idaacadda Ekot ayaa muujinaysa in tiro u dhaxaysa 2000 ilaa 3000 oo dumar ahi u diiwaan gashan yihiin booliiska degmada Södertörn ee magaalada Stockholm. Dumarkaasi oo sheegay in ay jidhdil iyo handadaad kala kulmeen dadka ugu dhaw nolosha.

 Ingrid Helmius oo ah khabiir ku takhasustay sharciga guud, kana tirsan jaamacadda Uppsala oo cilmi-baadhis ku samaysay shaqada booliiska  ayaa sheegtay in tallaabadani tahay miq sharciga baal marsan. Ingrid waxa ay si cad u sheegtay in diiwaangelintan uu booliisku sameeyay tahay mid qayrul-sharci ah.

 Nidaamkan cusub ayaa ah mid ka garab shaqaynaya nidaamkii caadiga ah ee booliisku ku shaqeeyo. Waxaanay sida caadiga ah  dacwadahani ku kaydsan yihiin faylal ku qoran barnaamijka Excel. Baadhitaankii la sameeyayna waxa lagu ogaaday in dacwadaha qaar ay ku jiraan warbixino xaasaasi ahi. Tusaale ahaan dumarka qaarkood waxa ku qoran dhalasho ahaan halka ay ka soo jeedaan, diinta ay haystaan, dalka ay ka timid, haddii ay curyaan tahay. Tusaale ahaan waxa dumarka qaar ugu qoran, ´´ waxa ay ka timid waddanka Eletariya, waana qof diinta aad ugu ad adag´´.  Ama in ay sunni Muslin na tahay ama ay shiica tahay.

Dumar badan oo ah kuwan u diiwaangashan booliiska ayaa ay booliisku siyaabo kala duwan kiiskooda qoreen, tusaale ahaan iyaga oo sheegay in ay u malaynayaan in dumarka qaar ayna maskaxda ka fayoobayn.

 Linn oo 28 jir ah ayay booliisku u diiwaangeliyeen in ay xanuun dhanka maskaxda ah qabto iyo in yaraanteedii faroxumayn loo geystay. Dhanka kale Linn ayaa u aragta in aanay booliisku arrintaasi xaq u lahayn, oo ay tahay wax aan wanaagsanayn.

 Xigasho: SR

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".