Cамолет Cessna 680, (не имеет отношения к перевозке беженцев) Фото: Bastien Engerbeau/Flickr
Diyaarad dad lagu soo tahriibiyay oo la qabtay Malmö Фото: Bastien Engerbeau/Flickr

Diyaarad dad lagu soo tahriibiyay oo la qabtay Malmö

Saddex qof oo looga shakiyay in ay dadka tahriibiyaan ayaa la xidhay kadib markii diyaarad gaar ah oo ka timid caasimadda Lubnaan ee Bayruut ay fiidnimadii isniintii soo cago-dhigatay madaarka Sturup ee magaalada Malmö.

Maya Forstenius oo ah afhayeenka booliiska gobolka Skåne ayaa jarriiradda Sydsvenskan u sheegtay in dadka rakaabka  ah ee magangalyodoonka ahi aanay danbiilayaal ahayn, sidaasi daraadeedna ay ku wareejiyeen laanta socdaalka. Sida ay booliisku sheegeen laba ka mid ah dadkan magangalyo-doonka ah laba ka mid ahi waa reer Siiriya.  Kuwa xidhan ayay booliisku baadhitaan ku wadaan, waxaanay booliisku la xidhiidheen haayadda sirdoonka Iswiidhan.

 Xigasho: Sydsvenskan 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".