Polisbil på uppdrag. Foto: August Bergkvist/Sveriges Radio
Stockholm oo noqotay magaalada ugu danbiyada badan Iswiidhan Foto: August Bergkvist/Sveriges Radio

Stockholm oo noqotay magaalada ugu danbiyada badan Iswiidhan

Sida ay muujinayso daraasad cusub oo ay diyaarisay  jarriiradda Metro, magaalada Stockholm ayay ka dhacaan tirada ugu badan danbiyada waddanka oo dhan ka dhacaa. 1000 qof ee Stockholm ku nool in ku dhaw 19,4 qof ayaa jidhdil loo geystaa.

 Magaalada Malmö ayaa ah 16,0, halka ay magaalada Göteborg ka tahay 13,9. Sida uu sheeegay danbi-baadhe Sven Granath, danbiyada Stockholm ku badanaya waxa ugu wacan dad badan oo u soo caways taga, iyaga oo ka imanaya degmooyinka kale. Sidoo kale deegaanada qaar  yar yar oo ay ku nool yihiin dad ka badan intii loogu talogalay. Dadka inta badan hubaysan ayaa ah rag da’doodu u dhaxayso 18-25 jir. 

Degmada ugu danbiyada yari waa Östergötland, 1000 qofna 1,7 qof oo ka mid ah dadka jidhdilka loo geystay ayaa booliiska u gudbiya kiiskooda. 

Xigasho: Metro 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".