Olof Palme Preisträger Xu Youyu (Bild: Olof Palmes Minnesfond)
(Bild: Olof Palmes Minnesfond)

Barafasoor la guddoonsiiyay abaalmarinta Palmepris

Xu Youhu oo ah barafasoor u dhashay waddanka shiinaha ayaa la guddoonsiiyay abaalmarinta Palmepris 2014. Isaga oo abaalmarintan ku helay halganka uu ugu jiro hirgelinta dimoqraadiyadda iyo xorriyadda hadalka.

Dhiirrigelintan uu Xu ku helay abaalmarinta Palmepris ayaa uu ku kastabaday shaqada wanaagsan ee uu waddanka Shiinaha ka hayo iyo waliba kaalinta muuqata ee uu adduunka kaga jiro.

Xu Youyu waxa uu ku dhashay oo uu ku nool yahay magaalada Peking, halkaas oo uu ka shaqeeyo haayad dawli ah oo cilmiga bulshada ka shaqaysa. 2008 waxa uu ku jiray mucaaradkii soo jeediyay in dib u habayn lagu sameeyo nidaamka waddanka Shiinaha.

Xigasho: TT 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".