Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Det brinner i en industrilokal. Giftig rök sprider sig österut mot Giraffens köpcentrum. Alla som befinner sig i området bör bege sig därifrån. Boende i området uppmanas att gå inomhus och stänga dörrar, fönster och ventilation. För mer information lyssna på Sveriges Radio P4 Kalmar.
(Publicerat idag kl 17.16)

Filim xusuus ah oo laga sameeyey Qoraayaddii Astrid Lindgren

La daabacay tisdag 16 december 2014 kl 15.21
Nolol dheer ayay soo martay Astrid
(5:15 min)
.Gedenkmünze zu Ehren von Astrid Lindgren
Qadaadiic lagu maamuuseyo Astrid Lindgren iyo buuggeedii Pippi. Sawirle: Bertil Ericson / Scanpix

Inta lagu guda jiro maalmaha ciidda Krismaska ayaa lagu soo ban-dhigi doonaa telefishanka la iska daawado ee Svt, filim ka kooban saddex qaybood oo looga sheekeeyneyo noloshii qoraayadda caanka ee iswiidhishka Astrid Lindgren, midkaasina oo lagu muujin doono dhinacyo ka duwan oo ka mid ah noloshii qoraayadda intii ay nooleeyd iyo sida qoraalladeedu u saameeyeen xaaladihii nololeed ee ay ku sugnayd, sida ay sheegtay soo saaraha filimka Katarina Lindström.

- Kolkii aan doonayay inaan filimkan sameeyo ayaan ku fekeray inaan indho hor leh ku eego. Iyadoona kolkii aan xoogay ka akhriyay ay ii soo baxday xiriirka ka dhexeeya wakhtigii ay qoraayadu noolayd oo ahaa badankii qarnigii 1900, iyadoona soo martay dhacdooyin waaweyn ee taariikheed iyo kuwo siyaasadeedba, sida ay sheegtay Katarina Lindström.

Qoraayadda Astrid Lindgren waxay ku dhalatay guri ku yaala bannaanka nawaaxiga Vimmerby ee carriga  Småland, sannadkii 1907. Waxayna ku geeriyootay 100 sannadood dabadeed magaalada Stockholm, sannadkii 2002.

Intii aaney geeriyoon ayay Astrid Lindgren ka mid noqotay qoraayada ugu caan-san looguna xushmad badan yahay, iyadoona la iibsaday boqolaal malyuun oo ka mid ah buugagteeda ee caalamka dacalladiisa, hase yeeshee waxay howlaheeda qorista ka bilowday inay qoraallo aan sidaa u baaxad wayneyn ku daabacdo war-geeys ka soo bixi jiray Vimmerby, iyada oo jirta da’da tobaneeyo.

Astrid oo 18 jir ah ayaa uur u qaaday tifatirihii war-geeyska oo xaas lahaa, halkaasina oo ay ku dhashay wiilkeedii Lars sannadkii xigay guur la’aan. Astrid ayaa wiilkeedii uga tagtay saddexdii sannadood ee ugu horeeysey nolosha wiilkeeda islaan korisa, maadaama aanay hay-san shaqo joogto ah iyo dhaqaale ay ku   biisho.

Middaasina oo saameeyn ku yeelatay qoraalladeedii buugagta, sida ay sheegtay soo saaraha filimka xusuusta ee qoraayadda Astrid Lindgren ee lagu magacaabo Katarina Lindström.

Waxaa filimka si aad ah uga muuqda in Astrid ay nooleeyd dhammaan inta badan qarnigii 1900. Katarina Lindström ayaa sawirro laga heley kaydka sawirrada iyo aflaan la sameeyey sannadkihii labaatameeyadii ku muujisay sida ay sheekooyinkii qoraallada Astrid u saameeyeen taariikhdii ku heegaarsanayd.

Tusaale cad waxaa u noqon kara xiriirka isku ekaansho ee ka dhexeeya Pippi Långstrump iyo jilaaga aflaanta aan codka lahayn ee Mary Pickford, ahaana jilaa aad u soo caan baxay sannadihii 1920. Labaduba waxay guryaha ku haysteen fardo iyo sidoo kale kolka ay Pippi buraashka lugaha ay dhulka dhaqeeyso ayuu sawir la mid ah ku jiraa aflaan ka mid ah aflaanta Pickfords oo muddo labaatameeyo sannadood hortood la dhigay intii aanu soo bixin buuggii ugu horeeyay ee ka sheekeeynaya Pippi oo la daabacay sannadkii 1945, waa tusaale ka mid ah tusaalooyin badan, sida ay sheegtay Katarina Lindström:
- Waxaa jira taariikho xiriir soo jireen ah la leh. Waxaa iyguna jira xiriirro kale, sida ilmaheeda kelida ah iyo dareenka hilow ee aabbaheed, sida ay sheegtay Katarina Lindström.  

flaanta googooska ah ee Astrid Lindgren ayaa midka ugu horreeya la sii deyn doonaa 26-ka diseembar, iyadoona uu socon doono illaa iyo sannadka cusub. Gabadha ay dhashay Astrid Lindgrens ee lagu magacaabo, Karin Nyman, waxay ka mid tahay dadyoowga horey u daawadey filimka xusuusta ee laga sameeyey hooyadeed iyadoona sheegtay inay farxad iyo qiiro ku dareentay – hase yeeshee sheegtay in aanay hooyadeed Astrid Lindgren jecleeysateen in loo baahnaa sameeynta filimka:
- Waxay jeclaan lahayd inuu yahay filim si hab-sami leh loo sameeyey, hase yeeshee aan xiise u yeelan karin qaar badan oo bulshada ka mid ah, inkastoo ay bulshada badankeed xiise u hayaan middaa, sida ay sheegtay Karin Nyman.

                                                                                                     kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".