Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Iswiidhen oo soo dhowaynaysa xubinnimada Turkiga ee EU

La daabacay onsdag 17 december 2014 kl 13.18
Protester mot polisräder mot medier i Turkiet. Foto: AP.
"saxaafadda lama af-xiri karo". Dadyow ka bannaan-baxay falal ey boliisku ku tallaabsadeen. Sawirle: AP.

Dawladda Iswiidhen ayaa weli ku adag mowqifkeedii ahaa in loo ogolaado in dalka Turkigu xubin ka noqodo ururka waddammada ku bahoobey Midowga Yurub, inkasta oo beryahan dambe ey soo badaneyaan dhaleeceeymaha la xiriira in aannu dalkaasi diyaar u ahayn, sida war-bixin amuurtaa lagu qoray.

Bishii noveembar ee ina dhaaftay ayay ahayd kolkii ey xil-dhibaannada baarlamanka EU ee iswiidhshku Lars Adaktusson (KD) iyo Cecilia Wikström (FP) soo jeediyeen in la qaboojiyo wadda-hadallada ku socda EU iyo dalka Turkiga. Middaasina oo ay ka horreeysay in garabyada ugu dhumucda waaweyn ee baarlamanka Yurub, xibiga kristdemokrat-ka och xisbiga asal-raaca ee EPP, ey gacmaha ka laabteen ka mid noqoshada dalka Turkiga ee EU mustaqbalka.

Hase yeeshee uu hoggaanka dalka Iswiidhen wanaag u arko in ka mid noqoshada dalka Turkiga ee ururka EU mustaqbalka, hase yeeshee lagu xiray in ldalka Turkigu ska sii hagaajiyo han-dhaqanka xuquuqda bani'aadamka ee dalkaasi.

"Dhaleecooyin badan ayaannu ka qabnaa kolka laga hadleyo dar-yeelka xuquuqda bani'aadamka ee dalkaasi. Waxaannu dooneynaa in EU la furto cutubyada wada-hadalka ee xuquuqda bani'aadamka si aannu gacan uga geeysanno howlaha ammuurtaa ku saabsan ", sida ay sheegtay Margot Wallströn, ahna wasiirka arrimmaha dibadda ee Iswiidhen.

Isha/Europaportalen

                                                                                                   kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".