internet
Internet

Casriyeeynta adeegga isgaarsiinta oo dib u dhacday

Inkasta oo casriyeeyn lagu sameeyey dhabbooyinkii is-gaarsiinta ee mobaaylada iyo sidii macaamiisha loo gaarsiin lahaa adeegyo ka wanaag-san iyo in tareemmada si ka wanaag-san, kana degdeg badan loogu isticmaali karo internet-ka, ayaan haddana la og-sooneyn in adeegyada ey bilaabmi doonaan kuleeylaha foodda innagu soo haya sidii horay loogu talo jirey.

Middaa ayay ugu wacan tahay iney isu dhow yihiin dhabbada mobaaylka ee wakaaladda gaadiidka, kuwaasina oo wax yeeleeyn kara habka is-gaarsiinta tareemmada, sida uu qoray war-geeyska Dagens Nyheter.

Wakaaladda gaadiidka ayaa haddaba u baahan wakhti ka badan oo ey ku casriyeeyso qalabka is-gaarsiinta ee tareemmada saaran, halka ey shirkadaha is-gaarsiinta mobaayladuna dooneyaan iney adeegyadaa bilaabaan kuleeylaha foodda innagu soo haya.

Isha/DN

                                                                                                          kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".