Madeleine anmälde att hennes man misshandlat henne två gånger och hotat henne. Utredningen lades ner och Madeleine fördes ovetandes in i polisen hemliga kvinnoregister. Foto: Alexander Gagliano / Sveriges Radio
Madeleine anmälde att hennes man misshandlat henne två gånger och hotat henne. Utredningen lades ner och Madeleine fördes ovetandes in i polisen hemliga kvinnoregister. Foto: Alexander Gagliano / Sveriges Radio

Dhaleeceeyn loo jeediyay diiwaankii haweenka la jir dilo

Aqoonta boliiska oo hooseeysa
2:11 min

Hoggaanka sare ee maamulka ciidanka ammaanka oo war-bixin soo saaray ayaa ku dhaleeceeyey habka qiimeeynta xaaladaha ey ku sugan yihiin haweenka tacaddiga loo geeysto.

Shalayto oo salaasa ah ayey ahayd kolkii laanta wararka ee idaacadda Iswiidhen shaaca ka qaaday in muddo tobaneeyo sannadood kor u dhaafeeysa uu ka jiray xarunta ciidanka ammaanka ee Södertörnspolisen ee magaalada Istockholm diiwaan-gelin lagu hayey haweenka ey jir-dilka u geeystaan bulshada dadka ugu dhow, iyadoona dhammaan haweenka diiwaanka lagu qorey la mariyey waxa loo yaqaanno qiimeeynta halista iyo handadaadda ey ku sugan yihiin. Waa sidiiyoo liis oo kale lagu qiimeeyo halista dembiilaha iyo halista haweenayda kaga iman kara dembiyada jir-dilka qaraabada.

 

Caalinka lagu magacaabo Sten Levander, oo war-bixintan ka dambeeyay ayaa sheegay in uu wanaag yahay liis wax laga eego, hase yeeshee aaney saraakiisha boliisku isticmaali kari aqoon:
- Saraakiisha oo aan lahayn aqoonta qofka bani'aadamka. Waana walax loo baahan yahay kolka la isticmaaleyo liisaskan ey ku sumadeey-san yihiin waxyaalaha halista keeni kara, oo ka mid ah culuunta maskaxda, cilmi-nafsiga ee dhanka xeerarka iyo daryeelka maxaabiista. Midda xigta oo ah in lagu dheggen yahay hab-dhaqankii howlaha loo fulin jirey iyo dareenka shakhsiyadeed ee ruuxa oo aan wax xushmad ah loo heyn waayo-arag-nimada culuunta guud ahaan. Waxey soo ban-dhigeyaan go'aanno fara badan oo khaldan oo la gaaro, kuwaasina oo dhinacyo badan u kala aroori kara, iyo halista ey keeni karaan oo ah caqabadda jir-dilka oo sii kordha.

Isha/Ekot

                                                                                                        kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".