Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Dinamarca: Af hayeen iima tihid

La daabacay onsdag 17 december 2014 kl 14.07
Miljöpartiets Jan Lindblom, Björn Söder (SD)
Jan Lindblom (MP), Björn Söder (SD)

Xil-dhibaannada baarlamanka ayaa halkoodii ka wada sidii ey u caddeeyn lahaayeen mowqifyada ey ka taagan yihiin ereyadii dhowaan uu ku dhawaaqay ku simaha labaad ee af-hayeenka baarlamanka dalka Iswiidhen Björn Söder, kana tir-san xubnaha xisbiga Sverigedemojkraterna.

Dhowaantan ayay ahayd kolkii ay xil-dhibaanadda Rossana Dinamarca, kana tir-san xisbiga Vänster (V) ay iska dheereeysay in sida caadiyanba tahay la yiraahdo mudane af-hayeen kolka qudbad la jeedineyo. Hase yeeshee kolkii uu middaa xasuusiyay Björn Söder, ay ugu war-celisay: "Af-hayeen iima tihid".

Sidoo kale dooddii maanta xubnaha baarlamanka uga socotay xil-dhibaannada ayuu xildhibaanka Jan Lindholm oo ka tir-san xisbiga Doogga - Miljöpartiet uu ku yiri ereyada "mudane af-hayeen luuqadda "saamiga waqooyi" oo ey ku hadlaan qowmiyadda Saamigu. Iyadoona uu garaw-san waayay af-hayeenka labaad uuna ka codsaday inuu yiraahda "mudane af-hayeen".

Intaa waxaa dheeraa in xil-dhibaanadda Karin Rågsjö, kana tir-san xisbiga Bidixda - Vänsterpartiet ay hadalkeedii ku bilowday "Shalom herr talman", middaasina ay ula jeeday "maalin wanaag-san af-hayeen" waana luuqadda hibreeyga - yuhuudda. Af-hayeenka labaad Björn Söder ayaan wax fal-celin ah middaasi ka bixin.

Isha/TT

                                                                                                       kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".