Länder som erkanner palestina. Grafik: Liv Widell
Waddammada ictiraafay Falastiin.

Barlamanka EU oo qaraar ka soo saarey aqoonsiga Falastiin

Laba bilood dabadeed kolkii ay dawladda Iswiidhen aqoonsatay jiritaanka Falastiin ayey aqlabiyad maanta ugu codeeyeen xil-dhibaannada baarlamanka Midowga Yurub EU qaraar xaqiiqdii lagu taageereyo aqoonsiga jiritaanka xorriyadda Falastiin. 498 ayaa qaraarka haa ugu codeeyey, halka ey 88 Maya ugu codeeyeen, iyada oo 111 ka mid ah xil-dhibaannaduna ka aamuseen.

Qaraarklan ayaan ahayn mid ku khasbaya ama ku dhiiri-gelineya waddammada xubnaha ka ah EU iney gaaraan go'aan la mid ah midkii uu gaarey dalkan Iswiidhen laba bilood hortood oo Falastiin lagu aqoonsaday.

Waddammo dhowr ah oo ku yaala Yurub ayey goleyaashoodu sharci-dejintu go'aamiyeen talooyin lagu dhiiri-gelineyo in dawladahoodu aqoonsadaan Falastiin, si falkaasina loogu dardar-geliyo culeeyska lagu saaro dawladda Israa'iil iyo inay miiska wada-hadalka ku soo laabato. Baarlamaannada tallaabadaa ku dhaqaaqey ayey ka mid yihiin dalka Faransiiska, Ingiriiska, Isbaaniya, Iirland iyo Bortuqiiska. Dalka keliya ee illaa hadda EU iftiraafay Falastiin ayuu yahay dalkan Iswiidhen.

Isha/TT, AFP

                                                                                                      kenadid.mohamed@sr.se

 

 

 

                          

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".