Han har glasögon och kortklippt hår. På bilden ser han dyster ut.
Xoghayaha xisbiga Moderaterna oo shaqada ka fadhiisan doona. Foto: TT.

Xoghayaha xisbiga Moderaterna oo shaqada ka fadhiisan doona

Xoghayaha xisbiga Modaraterna Kent Persson oo sheegay in uu shaqada xoghayenimo ee uu xisbiga u hayo ka degi doono. Kent Persson ayaa xilka wareejin doona marka la gaadho shirka uu xisbigu yeelan doono 10 bisha janaayo ee sannadka 2015.

Persson waxa uu xilkan uu hayo sannadkii 2012 kala wareegay Sofia Arkelsten, waxaanu xilkani hayay muddo ay dhaceen laba doorasho. Kent Persson ayaa sheegay in uu siyaasadda ka fadhiisan doono.

Xigasho: Aftonbladet

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".