Åsa Romson, Miljöpartiet, Förbifart Stockholm
Xisbiga Miljöpartiet taageeray dhismaha jidka loo yaqaano Förbifart Stockholm.Foto: TT

Xisbiga Miljöpartiet taageeray jidka Förbifart Stockholm.

Xisbiga Miljöpartiet oo dawladda ku taageeray dhismaha  jidka loo yaqaano Förbifart Stockholm. Sidaasi waxa shir jaraa’id saaka ku sheegay  Wasiirka cimilada iyo deegaanka Åsa Romson oo ka tirsan xisbiga Miljöpartiet iyo Anna Johansson oo ah wasiirka hawlaha guud kana tirsan xisbiga Socialdemokraterna.

Jidkan Förbifart Stockholm ayaa ah mid isku xidhaya guud ahaan waddanka, kaasi oo gaadiidka koonfurta iyo waqooyiga dalka isaga gooshaya u sahlaya in ay magaalada Stockholm duleedkeeda maraan, iyada oo ujeeddadu tahay in magaalada laga ilaaliyo wixii wasakh ah ee gaadiidka ka baxaysa iyo waliba in gaadiidka loo sahlo in ay magaalada gees ka mari karaan si ay uga badbaadaan saxmadda gaadiidka ee ka jirta magaaalada dhexdeeda.

SR

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".