Prime Minister Stefan Löfven. Photo: Bertil Ericson/TT.
Stefen Löfven oo wax ka beddelaya qorshihii shaqada dhallinyarada. Photo: Bertil Ericson/TT.

Stefen Löfven oo wax ka beddelaya qorshihii shaqada dhallinyarada

Raysalwasaaraha Sweden Stefen Löfven  ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu wax ka beddelo qorshihii ahaa in dhallinyarada la soo galiyo suuqa shaqada maamulada degmooyinka.

Qorshahan oo ay si weyn uga soo horjeesteen xisbiyada garabka midig iyo xisbiga SD ayaa uu raysalwasaaruhu sheegay in uu diyaar u yahay in uu xisbiyada garabka midig kala xaajoodo. Stefen Löfven ayaa dhanka kale sheegay in uu diyaar u yahay in uu la shaqeeyo xisbiyada garabka midig haddii uu awoodda waayo doorashada soo socota.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".