Fyspass. Foto: Hanna Sihlman/Sveriges Radio
Idrottsgymnasiets elever kör fyspass i Södervärns styrkelokal. Foto: Hanna Sihlman/Sveriges Radio

Arddayda qaadata shahaadooyinka xirfadaha dugsiga sare oo yaraaday

Inkasta oo ay rajadu ahayd saddex sanno ka hor, haddii wax laga bedelo hanaanka waxbarashada dugsiga sare in ay kordhayso tirada dadka qaata shahaadooyinka xirfadaha ee dugsiga sare, ayaa hadda arintu middaas ay lid ku tahay

Boqolkiiba 66 ardayda ayaa qaadatay shaadooyinkooda saddex sanno ka dib, tiradaas oo hoos u dhacday boqolkiiba 8, haddii la barbar dhigo tiradii sannadkii hore.

Anna Ekström oo ah xoghaya guud ee Laanta waxbarashadu ayaa arrintani werwer ku abuurtay.

-Ka dib isbedelkii aanu ku samaynay hanaanka waxbarashda dugsiga sare, oo ujeedadayadu ahayd in aanu kordhino tirada dadka waqti cayiman ku qaata shahaadaha waxbarashada dugsiga sare, ujeedadaas lama gaadhin. Middaasina uma wanaagsana Sweden, dhalinyaradana uma wanaagsana. Ayay leedahay Anna Ekström

Isbedelkii lagu sameeyay hanaanka waxbarashada dugsiga sare ayaa waxbarashada xirfada waxaa laga saaray maadooyin badan oo aragti ahaa, iyada oo lagu daray maadooyin xirfado u badan. 

Isha:Ekot

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".